You are currently viewing Daily English sentences in Somali

Daily English sentences in Somali

  • Post author:
  • Post last modified:August 31, 2024

Daily English sentences in Somali kuwa ugu isticmaalka badan

1. I’m sorry, I don’t have the time.

Machnaha

Waxaan ka xumahay, ma haysto waqti.

Sharaxaad

Waxaa isticmaalaysaa marka aad qof u cudurdaaranayso isla markaana aad u sheegayso inaadan waqti haysan aad hawl ku qabato. Inta hore {I’m sorry} waxa aad muujinaysaa ka xumaansho inaadan qaban karayn waxa lagaa codsay. Inta danbena {I don’t have the time.} waxaa u sheegaysaa inaadan waqti haynin.

Casharka oo muuqaal ah ka daawo halkan

2. Can I ask what you think was going to happen?

Macnaha

Ma ku waydiin karaa  aragtidaada waxa dhici doona?

Sharaxaad

Waxaa la adeegsadaa marka aad rabto inaad ogaato qof aragtidiisa iyo sida u umalaynayo shayga ama arinta laga hadlayo. Inta badan waxaa la isticmaalaa marka sheekada laysla keeniyo waayo.

3. Can you repeat that please?

Macnaha

Ma ku soo celin kartaa arintaa fadlan?

Sharaxaad

Qofka hadlaya wuxuu waydiisanayaa qofka kale inuu mar kale wax u sheego sababta oo ah ma maqal mana fahmin markii hore. Marka aanad shay ama hadalka si fiican u maqal ama u fahmin ayaad qofka su’aashan oo kale waydiin kartaa.

4. Call me later, when you have the chance.

Macnaha

Igu soo celi ama i soo wac, marka aad waqti hesho.

Sharaxaad

Qofka hadlaya wuxuu waydiisanayaa qofka kale inuu la xiriiro marka uu waqti u helo ama waqti haboon marka uu helo. Tan badanka waxaa la adeegsadaa marka uu mashquul yahay qofka aad hadlayso waqtiga hadda la joogo, sidaa awgeed ayaad waxa aad ka codsanaysaa inuu kula soo hadlo xiliga uu jaanis helo.

Blue Minimal Call to Action Blog Banner 2

5. What do you mean?

Macnaha

Maxaad uga jeedaa ama ka wadaa?

Sharaxaad

Qofku waxa uu waydiinayaa in la caddeeyo waxa uu qofka kale yidhi. Su’aashan waxa la adeegsadaa marka qofka hadlaya uu si fiican u fahmi waayo ama uu ku wareero hadalka qofka kale.

Daily English sentences in Somali

6. Will you please help me with this?

Macnaha

Ma iga caawin kartaa hawshan fadlan?

Sharaxaad

Qofku wuxuu si xushmad leh u codsanayaa in laga caawiyo hawl ama dhibaato. Tan waxaa badanaa la adeegsadaa marka qof u baahan yahay caawimo oo uu qof kale weydiisto taageero ama iskaashi.

7. What are you talking about?

Macnaha

Maxaad ka hadlaysaa?

Sharaxaad

Qofka hadlayaa wuxuu muujinayaa jahawareer ama fahmiwaa wax qof kale yidhi.

 Weedhaan waxaa loo adeegsan karaa xaalado kala duwan oo qofka hadlaya uu qofka kale hadalkiisa u arko mid la yaab leh, sida jahwareer, ama hadal macno darro ah.

Iska Akhriso qoraalkan ku saabsan ASUS

8. We need to get to the shop before it closes.

Macnaha

Waxaynu u baahan nahay inaynu gaadhno dukaanka ka hor intaan la xidhin.

Sharaxaad

Qofka hadlaya waxa uu xooga saarayaa in degdeg loo aado dukaanka ka hor inta aanu xidhmin maalinta. Tan waxaa badanaa la adeegsadaa marka qof u baahan yahay inuu wax iibsado ama inuu hawl dhamaystiro, waqtiguna uu dhammaanayo.

9. I don’t think that is right

Macnaha

Uma malaynayo inay saxan tahay.

Sharaxaad

Qofka hadlaya  wuxuu muujinayaa khilaafka ama shakiga ku saabsan saxnaanta hadal ama ficil la yidhi. Weedhan waxa loo adeegsadaa in si xushmad leh loogu xujeeyo ama lagu saxo sheegashada ama hab-dhaqanka qof kale.

10. Let’s go for a walk

 Macnaha

Aan socod aadno ama tagno.

Sharaxaad

Qofka hadlayaa waxa uu soo jeedinayaa inay socod iyo lugayn galaan  ay bannaanka u baxaan si ay u wada socdaan. Tan waxa loo isticmaali karaa nasasho, jimicsi, ama in si gaar ah loo sheekeysto meel kale.

11. How much does it cost?

Macnaha

Waa imisa qiimuhu?

Sharaxaad

Qofka hadlaya wuxuu waydiinayaa qiimaha shay ama adeeg. Su’aashan waxaa badanaa loo adeegsadaa wax kala -iibsiga ama marka wax laga weydiinayo qiimaha shay la siinayo.

12. What kind of drink would you like?

Macnaha

Cabitaan noocee ah ayaad jeclaan lahayd?

Sharaxaad

 Qofka hadlaya wuxuu waydiinayaa qofka kale inuu caddeeyo dookhiisa cabitaanka. Su’aashan waxaa badanaa la isweydiiyaa marka la bixinayo martigelinta, sida makhaayadda, baar, ama qof gurigiisa.

13. I have lost some money.

Macnaha

Lacag baa iga luntay.

Sharaxaad

Qofka hadlayaa waxa uu sheegayaa inay maqan tahay xoogaa lacag ah. Jumladan  waxa loo isticmaali karaa xaaladaha uu qofku raadinayo caawimo si uu u helo lacagta luntay.

14. Just give me five minutes.

Macnaha

I sii shan daqiiqo oo kaliya.

Shaxaraad

Waxaad isticmaalaysaa marka aad rabto in lagu siiyo waqti dheeraad ah inta aanad hawsha gelin ka hor. Weedhan waxa badanaa la adeegsadaa marka uu qof u baahdo wakhti yar si uu u dhammeeyo waxa uu qabanayo ka hor inta aanu ka qayb gelin arrin kale.

15. I’ll wait here

Macnaha

Halkan baan sugi doonaa.

Shaxaraad

Waxa aad sheegaysaa inaad halkan sii joogi doonto si aad u sugto qofka ama shayga aad sugayso. Tan waxaa badanaa loo adeegsadaa marka la qorsheynayo ama la isku dubaridyo waxqabadyada dadka kale, taasoo muujineysa samir iyo rabitaanka in lagu sii jiro.

Casharo xiiso badan ka daawo Youtube keena